Madaxwaynayaasha Kenya & Somalia oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlay + Sawirro (Qodobbadii laga wada hadlay)

0

(Nairobi) 30 Maajo 2018 – Madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada dalkaasi ku qaabiley madaxwaynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlaya arrimaha khuseeya labada dal, sida in lasii wado taageerada howlgalka nabad ilaalinta AMISOM oo ay ciidamada Kenya ka mid yihiin, iyo sidoo kale in guddi isku dhaf ah loo saaro muranka ka taagan xuduudda dhuleed ee laba dal, gaar ahaan dhanka Mandhera-Buulo Xaawo.

War kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay inay labada madaxwayne ka kala war qaateen waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku saabsan dadaal goboleedka lagu doonayo in nabad lagu soo dabbaalo Somalia iyo sidoo kale sidii ay Somalia u taageeri lahayd ololaha ay Kenya ku doonayso inay kursi aan joogto ahayn kaga hesho Golaha Amaanka QM, taasoo uu taageeray madaxwaynaha Somalia.

Waxaa xigey kulan dheer oo ay galeen labada madaxwayne oo ay goob joog ka ahaayeen madaxwayne xigeenka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyaha aqliyiinta Aden Duale, oo ay wehliyeen wefdi ballaaran oo safarka ku wehlinaya madaxwaynaha kuwaasoo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Somalia.

Waxaa kulankaa lagu lafa guray in la qaabeeyo hab-howleed sahli kara isku socodka dadka iyo badeeyooyinka labada dal, gaar ahaan ganacsiga xorta ah iyo xoojinta amaanka xuduudda labada dal.


Hadalsame Media