Ciidamo uu Maraykanku sameeyay oo lagu eedeeyay xasuuq ba’an! (Waa halkee?)

0

(Washington DC) 30 Maajo 2018 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu si hoose u maalgelinayay ciidamo malliishiyo oo kale ah oo la shaqeeya booliiska El Salvador kuwaasoo lagu eedeeyay inay qaab aan sharciga waafaqsanayn u laayeen eedaysanayaal ay soo qabteen, sida uu ogaadey hilinka CNN.

Maamulladii is xig-xigey ee Maraykanka soo maray ayaa malaayiin doollar ku khasiray hay’adaha sharci oogista iyo millateriga dalkaasi, gaar ahaan howlgalka lagu magacaabo ”Gacanta Adag” ama “Mano Dura” ee dalkaasi ka bilowday 2003 si loola dagaallamo gaangistarro fara ba’an ku haya dalkaasi koonfurta Ameerika.

Yeelkeede, dacwad haatan hor taalla QM oo uu helay CNN ayaa bisha soo aadan lasoo bandhigi doonaa iyadoo hay’adaha amaanka dalkaasi lagu eedeeyay inay iska laayaan dadka ay qabtaan, iyadoo ay booliisku leeyihiin xasaanad aan cidna loo ciqaabin sharci jebintaas.

Hal qayb oo ka tirsan booliiska ayaa kaligeed dishey 43 eedaysane oo ka tirsan kooxaha dembiyada abaabulan, iyadoo in yar oo ka tirsan dilalkaa aan sharciga ahayn baaritaan ay ku sameeyeen booliiska Salvadoran-ka ah oo ay biisho dowladda Maraykanku.

Qaybtan — oo loo yaqaannp Special Reaction Forces (FES) — ayaa lakala diray sanadkii tegey, balse in badan oo ka tirsan saraakiisii qaybtaasi waxay ku biireen ciidamada kale ee El Salvador waxayna weli mushahar ka qaataan Maraykanka.

 

Hadalsame Media