WAR CUSUB: Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay kooxo bastooladleey ah

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2018 – Ciidamada amaanka Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo bistoolado ku hubaysnaa oo ah nooca dadka khaarajiya kaddib markii ay rasaas isku dhaafsadeen degmada Waaberi.

Qof rayid ah ayaa ku dhintay, labada nin midkoodna waa ku dhaawacmay is rasaasayntii sida ay wararku sheegayaan.

Warar kale ayaa sheegaya in ay kooxo kale bambo gacmeedyo ku weerareen askar ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska Carwo Idko ee agagaarka Baar Ubax ee isla magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa howlgallada dhanka amniga sare u qaaday bisha Ramadaan si ay uga hortagaan falalka lagu khalkhal gelinayo amaanka.

Hadalsame Media