Maxay tahay sirta ka dambaysa dagaalka Tukaraq?

0

(Stockholm) 29 Maajo 2018 – Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa horey uga hadlay dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland waxa uu lugta ku hayo….

Arrintaan Sannadkii 2014-kii ayuu qoray wargeyska la yiraahdo Aftonbladet waxaana uu sheegay in shirkada Lundin-oil oo dalka Swedan laga leeyahay iyo mid iyaduna laga leeyahay dalka Norwey ah oo la yiraahdo DNO International ay heshiisyo la saxiixdeen maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxeyna doonayaan in ay dadka bara kiciyaan sidii horey loogu sameeyay shacabka u dhashay dalka Suudaanta Koonfureed.

Lundin-Oil waxaa saami weyn ku leh Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt. Waxaana horay loo shaaciyay in shirkadaasi ay shidaal ka baareysay Killilka shanaad oo dad badani ay ka qaxeen kuna guryo beeleen.

Hada waxaa loo socdaa waa Ceelka weyn ee HOLHOL. Labadaan shirkadood oo dhaqaale xoogan ku bixiyay sidii ay ceelkaasi iyo kuwo kaleba u heli lahaayeen ayaa waxaa hada soo baxeysa in dadkii ay dagaalo dartood degaankoodii ka qaxayaan waana sida ay rabaan shirkadahaasi.

Halkan ka akhriso maqaalkii Ku soo baxay Jariirada Aftonbladet

Xigasho: Sheiknor Abucar Qassim

Hadalsame Media