Xulka England oo sameeyey tababarkoodii ugu dambeeyey & Xiddiga Saakay seegay tababarka xulka saddexda Libaax…+ SAWIRRO

0

Maanta oo Isniin ah Xulka qaranka England ayaa sameeyey tababarkoodii ugu dambeeyey ee kulamada ay isugu diyaarinayaan Koobka Adduunka 2018.

Macallin Gareth Southgate xulkiisa England ayaa garoonka Wembley kula ciyaari doona Sabtida xulka qaranka Nigeria, waxaana sidoo kale ay Elland Road ee Leeds kula ciyaari doonaan dhiggooda Costa Rica 7 bisha June maalmo yar ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka 2018.

Xiddiga kooxda Leicester ee Harry Maguire ayaa tababarka xulka England seegay saakay, laakiin waxaa la shaaciyey inuusan dhaawac dartiis ku seegin tababarka.

Xulka saddexda Libaax ayaa kulankooda ugu horreeya heerka guruubyada Koobka Adduunka 2018 waxa ay Guruub G ku wajahayaan Tunisia 18 bisha June, halka xulka Panama ay kulankooda xiga la ciyaari doonaan 24 bisha June.

Kulankooxda ugu dambeeyey xulka England ee heerka guruubyada Koobka Adduunka waxa ay la dheeli doonaan 28 bisha June xulka qaranka Belgium.

SAWIRRO:

Hadalsame Media