WARBIXIN: Saxaafadda Sweden Oo Qoreysa In Arsenal Ay Weeraryahan Reer Sweden Ah Dalab Ka Gudbin Doonto

0
188

Arsenal ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogalinta xiddiga reer Sweden Emil Forsberg kaas oo ka tirsan RB Leipzig oo ka dhisan wadanka Jarmalka sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Swden.

Xiddigaan heerka caalami ee 26-jirka ah ayaa ka caawiyay kooxdiisa 4-gool sidoo kalana shan gool ayuu shabaqa dhex dhigay isagoo 33-kulan u saftay kulamada Bundesliga.

Expressen oo ah wargeys kasoo baxa Sweden ayaa qoray in maalmaha soo socda ay Gunners ka gudbin doonto xidigaan dalab dhan 50 Malyan oo Pound, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli uu isku diyaarinayo koobka Aduunka.

Unai Emery ayaa doonaya inuu kooxdiisa hagaajiyo, waxeyna markaan u talaabo qaadi doonaan xiddiga boosaska badan ee khadka dhexe iyo weerarka kaba ciyaari kara Emil Forsberg.

Facebook Comments