RASMI: Kooxda kubadda cagta Liverpool oo la soo wareegtay xiddigii Monaco ee Fabinho…. + SAWIRRO

0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay inay heshiis waqti dheer ah kula soo saxiixatay Fabinho, kaddib heshiis ay arrintaas kala gaareen Monaco.

Warar soo baxay saakay aroortii ayaa sheegay in Reds ay ku dhowdahay saxiixeedii ugu horreeyey xagaagan, laakiin kooxda ayaa haatan xaqiijisay in 24-sano jirkaan khadka dhexe ay heshiis la gaartay, isla markaana heshiiskiisa la dhammaystiri doono oo uu soo dhaqaaqi doono laacibku 1 bisha July 2018.

Inkastoo aan la sheegin qiimaha uu ku Fabinho ku imaanayo garoonka Anfield haddana waxaa la fahamsan yahay inay tahay qiime lacageed dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta43.7 milyan oo Giniga Istarliinka ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay dhaqaaqan, waa wax aan had iyo goor doonayey inaan ku biiro kooxdan weyn.” ayuu xiddiga reer Brazil u seegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda Reds.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan taariikh ku abuuro kooxdan kubadda cagta ah, waxaana ku rajo weynahay inaan koobab kula guuleysan doono kooxda.” ayuu hadalkiisa sii daba-dhigay Fabinho.

Fabinho, kaasoo ka tagaya Monaco kaddib markii uu 225 kulan u saftay una dhaliyey 29 gool in ka badan shan sanadood oo uu la joogay ayey u badan tahay inuu noqon doono bedelka rasmiga ah ee Emre Can, kaasoo la filayo inuu kooxda Reds isaga tagi doono marka uu heshiiskiisu dhammaado xagaagan.

SAWIRRO: