Nin u dhashay Mali oo la siiyay Jinsiyadda Faransiiska iyo Shaqo kaddib markii uu badbaadiyey wiil yar oo dabaq ka soo dhici lahaa… + Muuqaal

0

Wiilka yar wuxuu halis weyn ugu jiray in uu ka soo dhaco dabaqa afaraad, isagoo halkaa ka laad laaday, dad badan ayaa dhulka hoose ka qaylinayay, baabuurtuna hoon ayay yeerinayeen, iyadoo la dhowrayay bal cid uun bad baadisa wiilkaasi, hase yeeshee waxa uu ILAAHAY u bixiyay Nin qaxooti ah oo u dhashay Waddanka Mali.

Mamadou Gassama, oo 22 sano jir ah, si sharci darro ahna ku soo galay Faransiiska, isla markaana muddo dhowr bilood ah jooga, wax dukumiintiyo sharci ahna aan lahayn ayaa la kulmay dhacdadan, wuxuuna si deg deg ah u fuulay balakoonihii dabaqaasi oo sidii jaran jaradii midba mid ku sii booday illaa uu gacanta ku dhigo wiilkii yaraa oo uu badbaadiyo.

Arrintaasi waa mid u baahan xeelad iyo awood jir ahaaneed, waxaa intaa dheer in uu Mamadou Gassama naftiisa halis u geliyay badbaadinta Wiilkaasi yar.

Dadka ku dhaqan qaybta 18’aad ee magaallada Paris, waxay Gassama ugu magac dareen ‘Spiderman/ ninkii caara caarada ahaa’.

Durbadiiba waxaa u soo hambalyeysay duqa magaallada Paris, Anne Hidalgo oo falkan ku tilmaantay mid geesinimo leh, waxaana xigay in Madaxweynaha Faransiisku uu Gassama maanta oo Isniin ah ku qaabilay aqalka Madaxtooyada dalkaasi ee ElyséePalace, isagoo uga mahad celiyay sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ilmahaasi yar u badbaadiyay.

Gassama, ayaa billad sharaf ka guddoomay Madaxweyne Maccron, sidoo kale waxaa la siiyay shahaado iyadoo loo ogolaaday sharciga Faransiiska, kaddibna loo xareyn doono Jinsiyadda Waddanka Faransiiska.

Waxaa intaa dheer in Gassama, shaqo laga siiyay dab demiska Magaallada Paris kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin inuu ku soo biiro.

Ma’ahan ninkii ugu horreeyay ee soo galooti ah ee shaqo geesinimo leh qabta, iyadoo Bishii Janaayo 2015, wiil kale oo 24 jir ah oo lagu magacaabo Lassana Bathily oo isna ah Muslim u dhashay Mali uu badbaadiyay dad lagu dhex heystay Dukaan ku yaalla Paris halkaas oo ay is-rasaaseyni ku dhex maraysay nin hubeysan oo dad ku afduubtay dukaankaasi iyo Ciidammada Booliska.

Dhinaca kale, Mamadou ayaa lagu casuumay barnaamijyada ka baxa Telefishinnada Faransiiska kuwooda ugu caansan sida BFMTV oo Wareystay taariikhdiisa iyo sidii uu ku yimid Faransiiska, wuxuuna sheegay in uu soo maray Burkina Faso, Niger isagoo ka soo gudbay saxaraha Libya, kaddibna Dooni ku soo galay Talyaaniga.

 

W/D: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media