Kooxda Chelsea oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Weeraryahanka ka tirsan Real Madrid

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Manchester United kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Weeraryahanka naadiga Real Madrid ee Gareth Bale.

Xiddiga xulka qaranka Wales ayaa la tilmaamay inuu ka tagi doono kooxda ku guuleystay tartanka Yurub xagaagan, waxaana wararku ay intaa ku darayaa in xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhexeeya macallin Zinedine Zidane uu sabab u yahay in uu laacibku ka tago Madrid.

Jariiradda the Express ayaa warinaysa in Man United ay tahay kooxda loo badinayo inay la saxiixan doonto Bale, laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Chelsea, sidoo kalena waxaa ay tartan kala kulami doontaa Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Real ayaa sheegtay inay xiddigeeda garabka ku iibin doonto 80 milyan oo gini, kaaso inta kursiga keydka ka soo kacay labo gool u dhaliyey Los Blancos kulankii Final-ka Champions League oo ay 3-1 kaga adkaadeen Liverpool.

Wakiilka ciyaaryahan Bale ee Jonathan Barnett ayaa todobaadkaan la filayaa inuu u soo duuli doono Magaalada Madrid ee caasimadda Spain si uu ula kulmo Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentine Perez oo ay uga wada hadalaan Mustaqbalka ciyaaryahankan uu wakiilka u yahay.

Hadalsame Media