HARAATI HOOSE: Turkiga oo u weecanaya iibsiga hubka Ruushka kaddib markii ay Maraykanka iskula dheceen arrintan + Sawirro

0

(Ankara) 28 Maajo 2018 – Turkey ayaa laga yaabaa inuu u wareegsado hubka uu Ruushku farsameeyo gaar ahaan dayuuradda guuxeeda ka dheereeysa ee laba-matoorreeyda ah ee Sukhoi Su-57 si ay ugu bedelaan dalabkii u maqnaa ee dhiggeeda hal-matoorreeyda ee uu Maraykanku sameeyo ee US F-35 oo ah nooca raadeerka ka dhuunta, haddii ay Washington hakiso soo daabulidda dayuuradahan Turkiga u dalban iyadoo ka masayrsan tillaabada ay Ankara Ruushka uga iibsatey hannaanka difaaca cirka ee casriga ah ee S-400.

Sida ku dhigan warbixin uu daabacay warsidaha maalinlaha ee af Turkiga ku hadla ee Yeni Şafak, unug isku xiran ee ah Sukhoi Su-57, waxay Turkiga ugu kacayaan ku dhowaad kala bar lacagta ay joogaan F-35, welibana aad buu u sarreeyaa bandhigooda dhanka sarreeynta iyo ku xirfadaynta hawadu.

Waxay warbixintu intaa raacinaysaa in dayuuradahan Ruush sameega ah ee jiilka 5-aad ay weliba Turkiga uga roon yihiin kuwa Maraykanka waayo waxaa lagu qalabeeyay agab ay Turkigu fahmayaan dhanka marka la eego rasaasta, raadeerka iwm ee ay haatan ku shaqeeyaan ciidamada cirka Turkigu.

Horraantii todobaadkan, ayuu guddiga difaaca senetka Maraykanku ansixiyay sharci cusub oo si toos ah u xannibaya in dalka Turkiga oo Nato ka tirsan loo daabulo dayuuradaha US F-35 oo ay horay u dalbadeen, waxaana hindise sharciyeedkaa soo jeediyay Senatarka Dimoqraadiga ah ee Michigan metela Jeanne Shaheen iyo dhiggiisa Republican ee North Carolina jaalle Thom Tillis.

3-dii Abriil, Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ka sheegay caasimadda Turkiga ee Ankara inay ku heshiiyeen Turkiga loosoo daabulo hannaanka difaaca cirka ee casriga ah ee S-400, kaasoo durba Ruushka laga bilaabay soo saaristiisa lana soo gaarsiinayo Turki dabayaaqada 2019 ama horraanta 2020.

Ruushka oo bilaabay farsamaynta gantaalada S-400 ee uu Turkigu dalbaday…
Jiilka 5-aad ee Sukhoi Su-57
US F-35-ga casriga ah ee Maraykan sameega ah

Hadalsame Media