Frank Lampard oo ku dhawaaqay shantii ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ugu adkaa oo uu wajahay intii uu ku guda jiray ciyaaraha

0

Xiddigii hore ee khadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Chelsea iyo xulka qaranka England, Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday shanta ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ugu adkaa oo uu wajahay intii uu ku guda jiray ciyaarista kubadda cagta.

Lampard oo 609 kulan saftay horyaalka Premier League intii lagu guda jiray xirfaddiisa ciyaareed ayaa ah ciyaaryahanka saddexaad ee ugu safashada badan Premier League, waxaana kaliya ka horreeya Ryan Giggs iyo Gareth Barry.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Lampard ayaa BBC u sheegay in shanta ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ugu adkaa oo uu wajahay intii uu ku guda jiray ciyaarista kubadda cagta ay kala yihiin:- Yaya Toure, Roy Keane, Patrick Vieira, Paul Scholes iyo Steven Gerrard.

Yaya Toure ayaa dhawaan kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray kooxda Manchester City, xiddigii hore ee England Lampard ayaana aad u ammaanay laacibka reer Ivory Cost.

Hadalsame Media