Turkiga oo si dadban u dhaliilay doorka uu Imaaraadku ku leeyahay Soomaaliya!

0

(Ankara) 27 Maajo 2018 – Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ugu qaybsan arrimaha Afrika Ahmed Reza Damirer ayaa ka hadlay joogitoonkooda Soomaaliya iyo dalal si toos ah iyo si dadbanba ugula loollama Soomaaliya.

Md Demier ayaa tibaaxay inaysan Soomaaliya u imanin in ay cidna la xafiiltamaan balse ay u yimaadeen inay caawiyeen shacabka Soomaaliyeed oo buu yiri dhibaatooyin wajahayay sanadihii 30-ka ahaa ee ugu dambeeyay.

Wuxuu intaa ku daray in ay Soomaaliya ka fuliyaan mashaariic ay ku taageerayaan Soomaaliya oo iskugu jira dhanka amniga sida akadamiyaha ciidamada lagu tababaro ee ku yaalla Muqdisho, gargaarka aadaminimo iyo kuwo dhanka horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Demirer oo ku dhega hadlaya Imaaraadka Carabta oo beryihiin qalalaase ka wadey dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ay tababarayaan aysan ahayn kuwo iyaga hoos yimaadda, balse ay u diyaarinayaan oo qura dowladda Soomaaliya si loosoo celiyo qabkii iyo qarankii lumay ee Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa meelo ka tirsan Soomaaliya ka samaystay ciidamo uu isagu tababaray isla markaana ka amar qaadanayay, waloow ay dowladda federaalku kala wareegtey kuwii Muqdisho.

Hadalsame Media