SAWIRRO: Mohamed Salah oo tijaabooyinkii ugu horreeyay laga qaaday. (Maxaa kasoo baxay?)

0

(Liverpool) 28 Maajo 2018 – Mohamed Salah ayaa kaddib markii scan laga saaray garabka bidix ee uu xalay wax ka noqday rajeeynaya inuu diyaar u noqon doono Koobka Adduunka 2018.

Xiddiga sanadka ee Ingiriiska ee Salah ayaa dhaawacmay markii ay nus saac socotey ciyaartii xalay kooxdii ay 3-1 dirtay kooxda Real ciyaarta Champions League.

Laacibkan Masriga ah ayaa xaaladdiisa la qiimeeyay kaddib markii uu ku guryo noqday Merseyside waxaana la sheegayaa inuu garabku murgucday balse uusan wareegin sidii laga baqayay, isagoo soo kaban kara 10 maalmood gudohood ama ugu badnaan 3 todobaad.

Masar ayaa rajaynaysa inay Uruguay wajihi karti ciyaar bilowgeeda iyadoo ku hubaysan Maxamed Salaax 15-ka Juun. ”Waxaan ahay dagaalyahan, waloow ay dhibaato dhacday waxaan ku kalsoonahay inaan Ruushka tegi doono si aad iigu faantaan.” ayuu yiri Salaax.

Taageerayaak Masaari ah oo shaashad ka daawanaya laacibkooda meel ka tirsan magaalada Qaahira iyagoo ka walaacsan dhaawaca xiddiggooda qaran.

Hadalsame Media