DAAWO: Imisa laacib oo Liverpool ah ayaa ka sheeganaya Sergio Ramos?

0

(Kiev) 27 Maajo 2018 – Kooxda Real Madrid ayaa xalaytoole markeedii 13-aad hanatay koobka horyaallada Yurub ee CL kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen kooxda Liverpool.

Waxaase ciyaartii xalay aad u hareeysey dhacdadii dhexmartay Sergio Ramos oo ah hoggaamiyaha kooxda Cadcadka oo ku eedaysan inuu ciyaarta si kas ah uga saaray jookarka Reds ee Maxamed Saalax oo uu garabka ka dhaawacay.

Yeelkeede, waxaa gadaal kasoo baxday in aanu Ramos kaliya ku eedaysnayn middaa oo qura ee uu sidoo kale xusul ula bareeray qabtaha Reds ee Karius oo ay kaamaradu qabatay isagoo u qarinaya deetana uu goolwaluhu u dacwoonayo garsooraha.

Ramos ayaa sidoo kale la arkayay isagoo jilaya faawallo been ah kuwaasoo uu midkood jaalle ugu qalqaaliyay laacibka Mane ee kooxda Liverpool taasoo ay aad uga xumaadeen daawatada kubadda cagta.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media