UEFA oo ku dhawaaqday garoomada 2020 martigelinaya Finals-ka CL, EL iyo UEFA Super Cup

0

(Nyon) 26 Maajo 2018 – Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garoonka Estádio do Dragão ee magaalada Porto, Portugal, lagu qabanayo final-ka 2020 UEFA Super Cup.

Garoonkan oo la dhamaystiray 2003, laguna magacaabo ‘Dragon Stadium’ ayaa ah guriga kooxda FC Porto. Ciyaar UEFA maamulayso oo lagu qabto waxaa ugu horreeysey fasalkii 2003/04 oo lagu ciyaaray wareegga bug-baxda UEFA Champions League oo ay kooxdii FC Porto ee José Mourinho ay ugusoo baxday final-ka oo ay 3-0 ku dhufatay AS Monaco oo ay ku kulmeen Gelsenkirchen, waxaa sidoo kale lagu qabtay ciyaartii furitaanka ee UEFA EURO 2004 – taasoo ay Portugal 2-1 uga naxsatay Greece – intaa kaddib wuxuu ahaa garoon Yurub ka tilmaaman.

Finals-ka kale ee lagu dhawaaqay meelaha lagu qaban doono waxay kala yihiin:

Hadalsame