”Real ha qaaddo CL” – Liverpool oo uu ka hiilliyay laacib ay aad u doonayso! + Sawirro

0

(Clairefontaine) 26 Maajo 2018 – Xiddigga bartilmaameedka u ah kooxda Liverpool ee Nabil Fekir ayaa daboolka ka qaaday in uu ku faraxsanaan lahaa haddii ay koobka qaadaan saaxiibadii ay isula saftaan xulka France ee Raphael Varane iyo Karim Benzema taasoo ka dhigan inuu koobka u riixay dhanka Real Madrid oo caawa Champions League final kula faltameeysa.

Fekir ayaa ka mid ah laacibiinta haatan loogu doonista badan yahay qaaradda gabowdey ee Yurub kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda Lyon; taasoo uu u dhaliyay 22 gool tartamada oo idil, iyadoo uu bandhiggiisa Ligue 1 soo jiitey kooxo fara badan.

”Miyay jirtaa koox aan doorbidayo Liverpool iyo Real inay ku guulaysato Champions League? Maya runtii.” ayuu yiri Fekir oo hadlayay isagoo jooga xerada tababarka Faransiiska ee Clairefontaine.

‘Waxaa jira laba saaxiib oo dheelaya waana Raphael Varane iyo Karim Benzema. Kooxdii wanaagsani ha badiso! Haddii se ay badiso Real runtii waan ku faraxsanaan lahayn.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame