Haddaad u xiistay film-kii maadda badnaa ee Hera Pheri waxaa soo baxaysa qayb 3-aad!

0

(Mumbai) 26 Maajo 2018 – Mid ka mid ah aflaamta ugu maadda badan oo lagu magacaabo Hera Pheri isla markaana ay wadaa atoorayaasha Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal, isla markaana uu agaasimey Priyadarshan, ayaa dib ugusoo laabanaya shaashadaha Bollywood.

Film-kan ayaa hakaday kaddib geeridii naxdinta lahayd ee jilaaga caanka ah ee Neeraj Vora 14-kii Diseembar 2017. Neeraj ayaa agaasimey qaybtii 1-aad ee 2006 isagoo qoray sheekadii Hera Pheri, balse wuxuu Coma ku jirey muddo 2 sano ah isagoo sheekada film-ka xirey 2014.

Yeelkeede, Phir Hera Pheri, oo raacsan Hera Pheri ma yeelanin saamayn la mid ah film-kaa hore dhanka box office-ka balse saasoo ay tahay taageerayaashu waxay muujiyeen xiise badan maaddaama ay aad ula dheceen film-koo hore ee Hera Pheri sidaa darteed way ku farxeen markii ay maqleen in la sameeynayo qaybta 3-aad ee Hera Pheri 3.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inay film-kan ku dhan yihiin seddexdii jilaa ee Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal (Sambuuko), sida uu warsidaha Mumbai Mirror kasoo xigtey agaasinka film-ka.

Film-ka ayuu jilliinkiisu socon doonaa inta u dhaxeeysa Diseembar 2018 ilaa Febraayo 2019 iyadoo shaashadaha laga daawan doono qaybta 2-aad ee sanadka soo aaddan ee 2019.

Maydka Neeraj Vora

Hadalsame