CL: Gareth Bale oo Real Madrid markeedii 13-aad u gacan geliyay CL + Sawirro

0

(Kiev) 26 Maajo 2018 – Kooxda Real Madrid ayaa markale taariikh ka dhigtay koobka Champions League oo ay markeedii 3-aad hanatay, jeer uu garoonka ka xiddigeeyay Gareth Bale iyadoo uu goolka kale dhaliyay Benzema oo noqday laacibkii ugu horreeyay ee Faransiis ah ee final-ka CL gool ka dhaliya tan iyo 2001, halka uu qabtaha Loris Karius dhibaato u horseeday kooxdiisa Liverpool.

Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Merengues ayaa guul kale oo muhim ah gaarey iyadoo uu macallinka Real daawatada uga yaabiyay bedelkii uu keenay ee Bale oo noqday jookarka ciyaarta, iyadoo la xusuusto inuu kayd ahaa kulankii Cardif ee ay 4-1 uga badiyeen Juventus.

Kooxda Reds oo ciyaarta ku bilaabatay dafdaf saa’id ah ayaa degtey kaddib markii uu garoonka dhaawac xanuun badnaa uga baxay barbaarka u sharraxnaa Ballon d’Or ee Mohamed Salah oo uu dhulka la galay Sergio Ramos oo inta gacanta ka qabsaday isla tuuray.

 


Hadalsame