Atariishadii caanka ahayd ee Geeta Kapoor oo maanta ku geeriyootay dalka Hindiya

0

Atariishadii halyeyga ahayd ee Geeta Kapoor ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Saakay oo Sabti ahayd 26 May 2018, markii ay saacaddu ku beegnayd 9:00am ayey ku geeriyootay Isbitaalka SRV Hospital ee Magaalada Mumbai sidaas waxaa saxaafadda u xaqiijiyey Filim sameeye Ashoke Pandit.

Waxa uu sheegay Ashoke Pandit in Geeta Kapoor oo da’deedu ahayd 57-sano ay u geeriyootay xanuunka neefta oo markale dib ugu soo laabtay.

Atariishadan Geeta Kapoor waxa ay ka soo muuqatay in ka badan 100 filim, waxaana ugu caansanaa filimkeedii Pakeezah ee soo baxay ama la sii daayey sanadkii 1972-kii.

Waxaa haatan Meydka Geeta Kapoor lagu keydiyey qaboojiyaha Isbitaalka, halkaasoo ay labo maalmood ku jiri doonto, waxaana qoyskeedu ay ku booqan karaan halkaas si ay u soo arkaan, kaddibna waxaa la qorsheeyey in duugteeda la qaban-qaabiyo Maalinta Isniinta ah.