QALBI XUMO: Waa cudurka qarankeennii dumiyay!

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Cynicism waa hab-dhaqan, caqliyad ama xaalad maskaxeed oo ay qaabayso ka aamin bixid ku wajahan dadka kale, iyadoo uu qofku iska dhaadhicinayo in wax kasta oo la sameeyo xitaa haddii ujeeddo wanaagsan laga leeyahay ama daacadnimo loo falo in dano gaar ah laga leeyahay ama ugu yaraan qof lagu qancinayo, lagusoo jiidanayo, lagu khiyaanayo IWM.

Qofka cynical-ka ihi marna ma aamino in uu jiro qof wanaag dar ALLE u sameeya, tusaale ahaan, haddii inta ay wax idin dhexmaraan aad cafiso wuxuu qabaa inaad ka cabsatay, haddii aad wax siiso wuxuu aaminayaa inaad dhagrayso ama ay jiraan dano qarsoon oo aad ka leedahay.

Bulshooyinka caqliyaddan ku socda waxaa la yiraahdaa CYNICAL SOCIETY, waxbana iskuma fahmaan maaddaama ay kala SHAKISAN yihiin oo uusan jirin mid midka kale KHAYR ka rajeeynaya, bulshada noocaas ihi isuma CUDUR DAARTO, ISMANA CAFISO, waayo mid kasta wuxuu difaac ku dhisan XIQDI & XASAD ugu jiraa midka kale, isagoo sugaya xilliga uu heli karo fursad uu jug ugu gaysto, maaddaama uu aaminsan yahay inuu isaguba sidaa ugu GABBAN yahay. Yacni wax gaad inta aan lagu gaadin.

Yaad soo xusuusatay markii aad SIFAHAN aragtay?

Hadalsame