Kolna abaar & daadad, kolna fatahaado & daadad

0
79

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Waxaa jira dawlado nolosha ka dhaca, iyo kuwo guulaysta. Su’aashu se waxa ay tahay: maxaa dawladana ka dhigay kuwo guulaystay kuwo kalena ka yeelay kuwo fashilmay?

Waxaynu haysannaa halbeegyo dhowr ah oo aan ku kala ogaanayno arrinkaas. Hase yeeshee Mufakirka weyn ee Maalik Bin Nabi waxa uu arrinkaasi u sababeeyay hal arrin oo kaliya, kaasoo ah in uu QOFKU yahay midka gundhigga u ah fashilka iyo guusha. Bes!

Shicibka reer Japan waxay ku noolyihiin jaziirad go’doonsan, iyo deegaan jiyooloji ahaan (geology) cabsi laga muujiyo. Waxayna goorwalba la kulmi ogyihiin dhul-gariiryo noqon kara kuwo aanan waxba reebin. Hase ahaatee, dadweynaha Japan wuu fekeray, wuuna ka tabaabushaystay goor hore. Wuxuuna is waydiiyay: wadada badbaadadu halka ay tahay?

Dhanka kale shicibka Soomaaliyeed, waxa uu ku nool yahay deegaan aad u wanaagsan, iyo beled aad u qurux badan, khayraadka xooluhuna waa dalka ugu horreeya caalamka Carabta, gaar ahaan geela. Wuxuuna koonfurta ku leeyahay laba webi (Jubba iyo Shabeelle) oo socda sanadka intiisa badan. Cimilladiisuna waa mid dhexdhexaad ah, dhul-degaan ahaanna (juquraafi ahaan) u ma dulmana qofka soomaaliyeed, oo Allaah SW wuxuu ku beeray bar wanaagsan.

Japan waxa ka jira horumar aanan innaba caadi ahayn, sababtuna waa QOFKA ee wax kale ha moodin. Dawladda Japan waxa ay guul ka gaartay dhisidda qof aqoon leh, halkaas ayuuna shicibka reer Japan uga baxay dib-u-dhicii. Sida la saadaaliyo waxa laga baqsan yahay in ay Japan noqon doonto qarniga soo socda waddanka ugu horumarsan caalamka. Waxaana xusid mudan in Japan ay maantay qiblad u tahay dawladaha horumaray, waa tii uu lahaa Ra’iisal wasaaraha dalka Malaysiya Dr Mahatir Muhammad:

“markaan salaad tukashadeed rabana xagga Makkah ayaan qaabilaa, markaan horumar adduun qorshaynayana Japan baan u jihaystaa.”

Soomaaliya waxaa ka jira mashruuc aanan sal adag lahayn, waayo xaaladdu wili waa sidii ay ahayd 60 sano ka hor, sababtuna waa qofkii Soomaaliga ahaa oo aanan weli isbeddelin! weli waa sidii uu ahaan jiray beri hore. Fekerkiisu waa mid qabiileed, wacyigiisuna (ogsoonaantiisu) waa mid la maqnaysiiyay, waxbarashaduna wili heer-hoose ayay joogtaa. Sidaas daraaddeed xaaladda Soomaaliya iyo midda Jabuuutiba wili waa mid aad u liidata. Yididiillo horumareedna jirimayso inta qof horumarsan la la’yahay.

Qofku jiritaankiisu kuma xirna jiritaankiisa jir-ahaaneed kaliya, hase yeeshee jiritaankiisu waa in uu ka baxo moogganaanta fikireed, kana koro nacasnimada siyaasadeed, oo uu ka dawoobo baahidiisa ruuxi ahaaneed, sidoo kalena uu ka badbaado jahwareerka iyo jiho-la’aanta, waana midda ay Aayaddu tilmaamayso:

وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَا أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَاهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ ۖ هَلْ يَسْتَوِي هُوَ وَمَن يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (76)

“Waxa (kale) oo Eebbe tusaale ka yeelay laba nin oo midkood afxiranyahay (ma hadle yahay) aan waxba awoodin, dhibna ku ah sayidkiisa, meel kastuu u jeediyana aan wanaag la imaanaynin, ma simanyihiin isaga iyo ruux faraya cadaaladda, jid toosanna ku sugan.”

Qofkaasi waxa uu xambaarsanyahay dhibic walba oo dib-u-dhac ah. Ma ahan mid khibrad u leh nolosha, xirfad iyo takhasusna la gu ma oga. Waa qof taban (negative) oo badbaado ka sugaya dad kale, ma awoodo in uu naftiisa beddelo, qofka noocaas ah ayaa sabab u ah fashilka. Hase yeeshee qofka samaynaya guusha waxa uu Quraanka ku sifeeyay hal sifo:

(يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ) (Waa ruux faraya cadaaladda, jid toosanna ku sugan.)

Sannad walba Soomaaliya, Jabuuti iyo cid walba oo la mid ah waxay galaan labo safar, mid jiilaalka ah iyo mid xagaaga ah. Safarka koowaad waxa uu ku caan yahay abaar, iyo xoolaha oo dhinta, iyo sidoo kale tuugsiga beesha caalamka oo bata. Safarka labaadna waxa uu ku caan yahay cabasho laga cabanayo biyaha iyo saamaynta roobabka. Taasi waa wacyi khiyaali ah iyo bini-aaddannimo ka-bax. Sidaas daraaddeed waxaannu arkaynaa in hab-fekerka noocaas ahi uu fashilka ka yeelayo xaalad sii jirta waligeed, oo aanan lahayn waddo looga baxaa illaa aan dib u diyaarin doonno dadka.

Holand iyadoo haysata 3 milyan oo lo’ ah kaliya ayay noqotay dowlad caalamka oo dhan u dhoofisa caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo dheef-xoolaadka, sidaas daraaddeed Holand waxay kamid tahay dowladaha horumay; halka Soomaaliya iyo Suudaan ay leeyihiin in ka badan 60 milyan oo xoolo ah, haddana ay si caadi ah ugu noolyihiin gaajo iyo faqri. Waxayna Soomaaliya, Suudaan, Jabuuti, Itoobiya, iyo Eretariya ku caanbaxeen dawladahii gaajada; sababtuna mar kale waxa weeye: nidaamka siyaasiga ee dawladahaas oo aanan qorshihiisa ku darsan dhisidda qofka.

Dowladuhu caalamku waxay waajahaan taxaddiyo adag (challenges), waxayna saacad walbe leeyihiin qorshayaal iyo beddelo lagu waajahayo khataraha soo foodsaari kara. Halka dawladeheennu ay yihiin kuwo ku fashilmay u maamulidda nolosha si dabiici ah. Halkan Soomaaliya, Jabbuuti, Suudaan iyo Xabashida waxa ka jira fashil-akhlaaqeed. Halkaas se waxa ka jira guul-akhlaaqeed. Akhlaaq-wadareedka dowladaha horumaray ayaa ah kan ka dambeeya guul walba, waayo waa meel uu qofku garanayo kaalintiisa.

Waxa se is waydiin mudan: Ramadaankaan darsi ma u noqon doonaa dadka muslimiinta ah si ay u beddelaan fikirka dib-u-dhaca ah oo ay u sameeyaan nolol wanaagsan oo beddesha waaqicooda? Sidaas ayaan filanaynaa, ma se hubno.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan Bashiir.

W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.

Hadalsame

Facebook Comments