KA FAA’IIDAYSO: Waa sheeko dhexmartay nin Muslim ah iyo mid Masiixi ah

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – MURTI MUG LEH: Nin Masiixi ah ayaa beri gurigiisa ku qaabiley nin Muslim ah deetana wuxuu u keenay CANAB wuuna cunay, kaddib wuxuu u keenay KHAMRI wuxuuna Muslimkii yiri; ”Waa naga xaaraan”.
Masiixigii baa qaatoo yiri; ”La yaab baad leedihiin Muslimiineey, mid baan xalaashanaysaan midna waad xaaraantinimaynaysaan, tiiyoo uu midba kan kale ka yimid…!”

Muslimkii baa yiri; ”Xaas ma leedahay?” Kii kalaa yiri; ”Haahay”
Muslimkii baa yiri; ”Iila kaalay”, wuuna keenay.
Muslimkii baa markale waydiiyay; ”Gabari makuu joogtaa?” Suuye; ”Haa”.
Muslimkii baa yiri; ”Keen iyadana!” Wuuna keenay.

Muslimkii baa yiri markaa; ”Miyaadan ujeedin, Ilaahay middan buu kuu banneeyay middana waa kaa xarrimay, tiiyoo ay middani ka timid middan”.
Masiixigii baa markaa lasoo boodey; ”Waxaan qirayaa inaan ALLE mooyee Ilaah kale jirin, oo uu Muxamadna (NNKH) yahay rasuulkii ALLE”.

Waxaa tarjumey; Maxamed Xaaji

Hadalsame