Jinsi & qabiil waa qolof lagu dhuunto!

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Waxaan qabaa in Angela Merkel ay tahay qofka siyaasad ahaan u taagan isku haynta Midowga Yurub oo aan la’aanteed ka gudbeen caqabado badan oo soo wajahey, waxay sidoo kale kaalin fiican uga jirtaa dhanka aadminnimada (human aspect) iyadoo aad loogu dhaliilay qaxooti milyan gaaraya oo Muslimiin u badan oo 2015 dalkeeda soo galay taasoo ay ku wajahdey go’aan iyo dhabar adayg.

Yeelkeede, dad baa sheekadiiba kasoo qaadaya, soow idinma dhihin dumarku wax bay xukumi karaan? Adeer haweenaydan jagada looguma dhiibin 4 jeerna looma dooranin jinsigeeda ee waxaa loo doortay kartideeda, xeesheeda siyaasadeed, waaya aragnimadeeda, burjaawinimeeda iyo sida ay u maaraysay caqabaadkii ay wajahdey.

Go’aannada gaagaaban ee ku dhisan heblaayo waa jinsi X ama Y waxay la mid yihiin sida adigoo yiraahda hebel wuxuu u maamul fiican yahay ama u maamul xun yahay wuxuu ka dhashay “REER HEBEL”.

Tusaale kale, waxaa noogu filan Benazir Bhuto-dii la diley, Sheekha Xasiina iyo Delma Rouseff oo dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Brazil musuq ugu eedaysan, haddaba haddaad Merkel haweeniyo ugu faani maagto halkee kuwaana gaynaysaa? Hallkee gaynaysaa tala xumada Theresa May oo iyadoo baarlamanka aqlabiyad ku haysata doorasho deg deg ah oo aan loo baahnayn qabatay ee aqlabiyad baarlaman daayoo kursigeedii qalqiil gelisey?

Yaynaan wax kasta u arkin MADOOW IYO CADDAAN ee haddii uu han kugu jiro hannaankiisa la imoow adigoon qabiil hebel iyo jinsi ku meeraysanin. Kartidu waa SHAKHSI.

Qore: Maxamed Xaaji

Hadalsame