ABEESOOY ABAAYO!!

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Buugga jaan ee ay Soomaalidu aadka u akhrisato ee ku dhisan “Falsafadda Alloow na Gub” waxaa kasoo baxday abeesadu waa walaashiin ee haddii ay ku qaniinto waxba ha u arkin iyadu wanaag bay ka waddaaye iska adkeeyso, lkn iska ilaali walaalkaa.

Abaayo abeeso wax kasta oo ay kaaga baahato sii xitaa haddaadan weligaa wax nacfi ah ka helin, marka laga reebo QANIINYADAA SUMAYSAN ee ay sida hagar la’aanta ah kuu cantuugto markii ay doonto, taasoo cabaadka ay xanuunka hore kaaga keento ay u dheer tahay caallirka gadaal kasoo kaca ee ay cimrigaaga ku gooyso.

Abeeso degelka ayay nala deggan tahay oo waa deris xalaal ah, dee Ilaah baa is kaaya baday, lkn walaalku derisnimo ma mudna ee ka durug doofaarka oo meeshii uu kaa taabto biyo iska mari.

Intii aan walaalkay wax la wadaagi lahaa waxaan iskaga adkaysanayaa qaniinyada garaabis la’aanta ah ee “abaayo abeeso” iyo guddoonka gunnimada ah ee abaayaday, anigoo waloow ay ilmo kululi igasoo dhacayso xanuunka dartii misna qosol gariir ah been ah iska keenaya si aan walaalkay u tuso inaan ka raystay.

Abaayadeey abeeso la’aanteed abaar, waa tii qaniinyada iigu hiillisay oo dadka iga soo dhowaysatey, waa tii go’aansatay in aysan aniga qaniinyada iga goosan doonin wax kastoo dhaca, waayo anigu sxbtinimada ayaan aqaannaa oo wax baan u huraa waana u ogolahay cadkeeda, cadkeedu waa inay cajirkayga cantuugto casir iyo cishe gelinkii ay doonto.

Hasalsame